DAAWO Madaxweynaha Jeegaanta Muse Bixi & qaar kamid ah Culimada Hargaysa oo ku heshiiyey in aan laga bixin dhulka ay haystaan oo lagu dagaalamo
06 June 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka kusoo ururay Jeegaanta Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasabad dagaal lagu abaabulayey oo Muuse Biixi ku casuumay culumo Hargaysa kana dhacay Madaxtooyada Hargeysa, ayaa Culimada hortooda ka sheegay in maamulkoodu uusan ka baxayn dhulka uu xoogga ku haysto ee gobolka Sool.
Muuse ayaa ku dooday TUKARAQ inay ka mid tahay degmada Laascaaanood usana marna ka baxayn maamulkiisa JEEGAANTU laakiin uu difaacn doono.
Dhulka uu Muuse sheeganayo waa dhul Puntland ah waxayna dawladda Puntland ku dhawaaqday in haddii uu Muuse xeerin waayey nabada ay xoog ku soo celinayso dhulkaas ka maqan.
Waxaa xusid mudan in Faysal Cali waraabe oo isna ka hadlay munaasbadaas ay Culimadu joogeen inuu ku hanjabay waxaanu qabsanaynaa caasimadda Puntland ee Garowe, halkan ka daawo
DAAWO Madaxweynaha Jeegaanta Muse Bixi & qaar kamid ah Culimada Hargaysa oo ku heshiiyey in aan laga bixin dhulka ay haystaan oo lagu dagaalamo