DAAWO Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo dhex-dhexaad iskaga dhigay xiisada Sool isagoo dhan la jira
06 June 2018 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada uu maamulka Jeegaantu xoogga ku haysto ayaa iska dhigay inuu dhex-dhexaad ka yahay xiisada ka taagan gobolka Sool.
Garaadka ayaa ku caddeeyey shirkiisa jaraa’id inuu la shaqaynayo maamulka JEEGAANTA, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulkooda ilaashadaana wax uu ugu yeeray nabadan.
Garaadka oo intii xiisada gobolku ay bilaabatay aan la hadlain saxaafadda ayaa waxaa hadda ku qasbay inuu hadlo caddeeyana mawqifkiisa maamulka JEEGAANTa ee uu madaxda ka yahay Muuse Biixi.
Dad badan ayey waxay ku noqotay la yaab inuu maanta Garaadka Beesha JAAMAC SIYAAD ee Dhulbahante uu sidaas u hadlo, isagoo taageeraya maamulka caburinta ku haya shacabka gobolka Sool.
Daawo muuqaalka Garaadka
Puntlandes.com