Culumada maamulka Somaliland oo si cad u taageeray Duulaanka uu Muuse Biixi kusoo qaaday SOOL una fatwooday

06 June 2018 (Puntlandes) Kulan xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Hargeysa oo dagaal lagu abaabulayey oo uu Muuse Biixi ku casuumay culumada Hargaysa ayaa looga hadlay arrimaha gobolka Sool, waxaana aad looga hadlay dagaalka Tukaraq, iyadoo ay Culumadaas ay iska indhotireen xaqiiqada ku aadan dagaalka iyo cidda soo qaaday.

36b9

Culimada Somaliland ayaa si cad u taageeray duulaanka maamulka Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxayna sheegeen in aysan jirin beel xuduud gaar ah la siiyay oo dadka kale ka xigtay,balse lagu midaysan yahay sida ay hadalka u dhigeen magaca Somaliland.

Mid kamid ah ayaa hadalkiisa ku bilaabay”waxaad tahay madaxweynihii jamhuuriyadda Somaliland xil weyn ayaa ka saaran qaranka,haddaba annagoo og in ay Puntland ina soo weerartay oo dhulkeenna noogu timid,haddana waxaan kaa codsanaynaa in aad dagaalka joojiso oo aad wada-hadal la gasho hadii dhinacooda wax lala fariisan karo laga helo”.

Mid kale ayaa yiri”dhulkaan la isku hayo beel gaar ah maleh ilaahbaa dhulkaan leh waxaana ka talisa Somaliland”.

Wadaad kale ayaa isna yiri”ma jiraan xuduudo beeluhu kala leeyihiin waxaa innaga dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland,beeshii nidaamka ka baxda oo dalka qalalaase gelisa,waxaa diintu ka qabtaa in lala diriro”.

Dhammaan culimadii halkaas joogay ayaa taageeray duullanka Muuse Biixi ku soo qaaday dhulka ay degto beesha dhulbahante iyo bara-kicinta lagu sameeyay dadkooda

Puntlandes.com

About The Author