Daaw wasiir Sacad Cali Shire oo soo dhaweeyey lacagtii ay DFS ugu deeqday maamulka Somaliland
06 June 2018 (Puntlandes) Wasiirka arimaha debedda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyey lacagtii 1 milyan oo doollar ahayd ee ay Dawladda Soomaaliya ugu Deeqday dadkii Duufaantu saamaysay.
Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu sheegay in ay Somaliland horay ugu gurmatay Soomaaliya markii 2011 abaarta iyo Macluusha daran ku dhufatay Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye, tani waxay noqonaysaa markii labaad oo 1 milyan ka qaataan DFS halka ay Somaliland horay ugu dirtay koonfurta 900 kun taasoo aysan ku wareejin DFS ee ay ku wareejisay Culimo.
Daawo muuqaalka
Puntlandes.com