DAAWO Waxgarad Beesha Samaroon ah oo dhaliilay maamulka JEEGAANTA kuna baaqay in wiilashodu kasoo baxaan Tukaraq

07 June 2018 (Puntlandes) Waxgarad Beesha Samaroon ah ayaa ka hadlay d hinka haysta bulshadooda oo ay u keentay Dufaantii dhawaan ku dhufatay xeebaha gobolka Awdal, iyagoo wax gargaar ah ama caawimaad ah ka helin maamulka Muuse Biixi ka madaxda yahay ee Somaliland.

36c6

Waxgaradka ayaa dhaliilay maamulka Muuse waxayna cod dheer ku sheegeen inaysan garanayn sabab ay wiilashoodii uu Muuse Biixi u qaaday TUKARAQ ay ugu dhintaan halkaas. Waxgaradka ayaa sheegay inay Furinta TUKSARAQ ka jirto 400 will oo kasoo jeeda beesha Samaroon waxayna ugu baaqeen wiilashodu inay kasoo baxaan Tukaraq.

Mid ka mid ah waxgaradka ayaa yiri “inta maanta TUKARAQ joogta waa 400 ee innan, 400 hooyooyinkood iyo walaaladood dhamaan waxaa la tagay daadkii, iyaga waxaan ka codsanayaa war inta lafihiinu isku joogaan kaalayoo maydkiina aasta..”

Daawo muuqaalka murugada leh

Puntlandes.com

About The Author