TACSI Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun.
Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed
TACSI
Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun
TIX/0098/2018
Jane 07, 2018
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Shacabka Puntland, Qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera oo ahaa waakiilka Puntland Tv ee qaarada Yurub oo maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska, Alle hanu nariistee Marxuumka ayaa ahaa rug caddaa dhanka saxaafada ah oo wax badana ka qabtay saxaafada Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si gaar ah ugu Tacsiyeeyay dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliya geerida ku timid Marxuun Maxamed Adaan Xirsi Teera, wuxuuna Madaxweynuhu Allaah uga baryey Marxuumka inuu Jannadiisii Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, uuna daris uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW
Amiin Amiin Amiin