Akhriso Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadlay duulanka Somaliland, Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo, Xeerka Biyaha Puntland & Warbixino Kale
Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed
TIX/0082/2018
June 07, 2018
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Baydhabo, Xeerka Biyaha Puntland iyo Warbixino Kale.
Amniga Puntland:
Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee Puntland iyo duulaanka qaawan ee lagu hayo gobolka Sool, waxayna goluhu caddeeyeen inaan la fiirsan karin qaylo dhaanta iyo caburinta shacabka Laascaanood lagu hayo ee lulaya Calanka Buluuga ah, iyagoo u taagan astaan midnimo iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.
Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo:
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Aminga Soomaaliya ee Baydhabo wuxuu Madaxweynuhu sheegay in lagu heshiiyay dhisida ciidan astaan qaran leh oo ka fog hayb iyo gobol, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu xusay in isfahan laga gaaray habka wadaaga kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaan macdanta iyo shidaalka iyadoo loo marayo hannaan federal ah.
Madaxweynuhu sidoo kale wuxuu ka warbixiyay nidaamka geedi socodka doorashooyinka 2020 ee Soomaaliya, wuxuuna xusay inaan lagu noqon doonin qaababkii hore ee lagu geli jiray doorashooyinka gaar ahaan 4.5
Xeerka Biyaha Puntland:
Golaha xukuumadda ayaa loo qeybiyay xeerka biyaha Puntland xeerkaas oo qeexaya ilaalinta iyo dhaqaaleynta keydka khayraadka biyaha wuxuuna si gaar ah u xoojinayaa maareynta iyo horumarinta adeega biyaha Puntland.
Warbixino:
Ugu danbeyn wuxuu goluhu warbixin ka dhageytay Wasiiradda Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalaha oo hawlo shaqo uga soo laabtay Geneva, sidoo kale goluhu wuxuu aqbalay heshiis ay wada gaareen Wasaaradda Warfaafinta iyo Shirkada Golis oo ku saabsan Fiber Optic-ga
Dhamaad