XOG: Dawladda Puntland wadahadal lama galayso muumulka Jeegaanta inta ay haystaan dhul Puntland
07 June 2018 (Puntlandes) Warsidaha Garowe Online ayaa qoray 6dii bishan daabacay in uu jiro wadahal qarsoodi ah oo u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Warsiduhu wax cadayn ah uma soo gudbin akhristayaashiisa.
Warbaahinta Puntlandes oo lagu bartay inay warar xaqiiq ah usoo gudbiso akhristayaasheeda ayaa dabagal ku samaysay jiritaanka wadhadal u dhexeeya labada madaxweyne waxayna ogaatay inuusan jirin wax wadahadal ah.
Warbaahinta Puntlandes ayaa si toos ah ula xiriirtay Madaxtooyadda Dawladda Puntland waxaana loo xaqiijiyey inuusan jirin wadahal u dheexeeya labada madaxweyne ama mid ka hooseeya.
Sidoo kale waxay Madaxtooyaddu noo xaqiijisay in aysan dawladda Puntland wadahadal la galayn muumiulka Muuse Biixi inta ay haystaan taako ka mid ah dhul Puntland.
Dawladda Puntland ayaa beesha caalamka u cadaysay inta ay dhul Puntland leedahay jeegaantu haysato inaysan wax wadahadal iyo gorgortan ah galayn maamulkaas soo duulay.
Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumadda daw ladda Puntland ayaa warsaxaafadeedkii kasoo baxay waxaa maanta lagu yiri
”Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee Puntland iyo duulaanka qaawan ee lagu hayo gobolka Sool, waxayna goluhu caddeeyeen inaan la fiirsan karin qaylo dhaanta iyo caburinta shacabka Laascaanood lagu hayo ee lulaya Calanka Buluuga ah, iyagoo u taagan astaan midnimo iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed”
Dawladda Puntland ayaa ku gudo jirta xaqiijinta xoraynta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo dhulka kale ee uu haysto maamulka Jeegaantu.
Ujeedada Garowe online ee warka been abuurka ah
Garowe online oo uu leeyahay wiilka madaxweynihii hore ee Puntland oo la yiraahdo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo ku caan baxay abuuris xasarad iyo kala khaki shacabka reer Puntland ayaa ujeedada qoraalkaasi waxay ahayd in shaki la kala dhexgeliyo sahacbak iyo dawladda Puntland.
Waxaad moodaa inay Garowe Online u xuubsiibatay Hargaysa Online, iyadoo si cad ay u muuqato inay la safan tahay maamulka Jeegaanta.
Sida caadiga ah ee ku qeexan sharuucda aduunka marka wadanku xaalad dagaal uu ku jiro waxaa Ciqaab xun mutaysta Askeriga ka carara goobta dagaalka, Jaajuuska u jaajuusa cadowga iyo kan dacaayadaha ka fidiya wadankiisa ee dabodhilifka u ah cadowga.
War xunoow lagu waa shacabka Puntland ayaa ku taageeray oo ku garab istaagay dawladooda soo celinta dhulka la haysto oo ay hadda ku hawlan tahay.
Puntlandes.com