Dhagayso: Danjire Cabdikariin oo bayaamiyey in heshiiska Dowlada Itoobiya & Dowlada Somalia uu yahay heshiis Dowlada Itoobiya GACANTA loogu geliyey Dalkeena
19 June 2018 (Puntlandes) Waraysigan uu Danjire Cabdikariin Ow Cali Siiyey Golah1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan, wuxuu ku bayaamiyey in heshiiska Dowlada Itoobiya iyoDowlada Somaliyeed ku galeen Magaalada Muqdisho inuu yahay heshiis Dowlada Itoobiya GACANTA loogu geliyey Dalka Somaliya Bad iyo Dhulba sida Dekadaha , Ganacsiga iyo Siyaasada.Sidoo kale waxaa loo ogolaaday in Dowlad goboleeda oo dhan iney ka furato xafiisyo diblamaasiyadeed oo ay ku kaantaroolaan kuna kala ilaaliyaan in dalka somaliya uu markale dib isugu soo noqdo ,lagana dhigay iney dowlad goboleed kasta goonidiisa u xiriirto.
Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda maanta somaliya u talisaa iney Dalka Somaliya gacan gumeysi geliyeen sida Ogadeen oo Itoobiya horey u haysatay.
Dhagayso waraysiga oo qaaday wariye Dhagood
Puntlandes.com