Daawo Video: Dr Gaboose oo cisbitaal Caalami ah & jaamacad caafimaadka laga barto ka furey Hargeysa (Sawirro)

27 June 2018 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray cisbitaalka casriga ah ee Haldoor oo uu sameeyey Dr Gaboose oo ku yaalla magaaladda Hargeysa.

Cisbitaalkan ayaa iskugu jira qaybta xarun caafimaad iyo qayb jaamacadeed oo ardayda u baahan barashada qaybaha kala duwan ee caafimaadka lagu bari doonno, kuwaas oo ay ka dhigi doonaan macalimiin jaamacaddo dibada ah wax ka dhiga oo wakhtiyadda fasaxyada ah jaamacadda iman doonna iyo dhakhaatariirta cisbitaalka ka hawlgala oo waaxyo kala duwan ku kala takhasusay.

Sidoo kale, waxaa cisbitaalka la keenay markii ugu horeysay qalabkii u dambeeyey ee sawirka, shaybaadhka iyo guud ahaan jidhka la kala soconayey caafimaadka bukaanka, iyo dhakhaatiirtii takhasuska u lahayd ku shaqaynta qalabkan.

Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo dhulka Soomaalida aad loo yaqaan ayaa dhisay cisbitaalkan,isla markaana ku soo kordhiyey qaybo caafimaad oo kale iyo qalab kala duwan oo uu sheegay inay ku yar tahay in laga helo guuud ahaan gayiga Soomaalidda, waxaanu sheegay in qalabkan qaarkood cisbitaalkiisa oo qudha laga helayo, taas oo uu xusay inay kaga nasan doonaan dhakhaatiirtii dibadda loo tagi jirey.

Dr:Gaboose oo takhasuskiisu ku yar yahay Soomaalidda soona bartay caafimaadka Neerfaha (Neurology) ayaa sheegay in tobaneeyo waaxood ka kooban yahay xaruntan caafimaad, kuwaas oo kala ah, 1. Internal Medicine, 2. Cardiology, 3. Neurology, 4, Neurosurgery, 5, General Surgery, 6, ENT, 7, ICU/CC24/7, 8.Diagnostic, 9. Laboratory, 10, Pathology iyo waaxo kale, kuwaas oo dhamaantood ay ka hawlgalayaan dhakhaatiir ka shaqaysa dalalka dibadda oo qaarkood macalimiin ka yiiin jaamacaddaha aduunka oo takhasus ahaan usoo qaatay si looga baxo baahidda caafimaad ee dibadda loo doonto.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Drs:Adna Aadan, wasiir ku xigeenkii hore ee Caafimaadka Xuseen Xoog, gudoomiyaha dhakhaatiirta Somaliland, Sheekh Mustafe Ismaaciil, wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr:Xasan Yuusuf, gudoomiyaha golaha Wakiiladda wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo madaxweyne ku xigeenka Saylici, kuwaas oo dhamaantood soo dhoweeyey cisbitaalkan cusub iyo qalabka casriga ah ee la keenay, waxaanay Dr:Gaboose ku aamaaneen kaalinta uu kaga jiro caafimaadka.

“waxaanu cisbitaalkan iyo qalabkan qaaliga ah u galinay sidii umadda soomaaliyeed uga badbaadin lahaa safarka dibada ee ay caafimaad u doonanayaan iyo dhibaatooyinka ka soo gaadhay.”ayuu yidhi Gaboose.

Waxaanu intaas ku daray “Dhakhaatiirta aad arkaysa qaar sucuudiga baanka keenay iyo qaar kuweyd ayaan ka keenay iyo dalal kale oo badan oo aan aqoontoodda soo baadhay oo jaamacado waaweyn wax ka dhiga ayaan keenay cisbitaalka si ay ardaydeenuna uga faa’idaan, dhamaan qalabkan casriga ah dadkii aqoonta u lahaa ayaan keenay nin wal oo ajanabi ah muwaadin baan ag dhigay si uu wax uga barto”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici ayaa amaanay qalabka la dhigay cisbitaalka iyo dhakhaatiirta dibadda looga keenay, waxaanu yidhi “”cisbitaalkan waxa inoo furey digtoorkeenii Gaboose, wuxuu yahay dhakhtarka kaliya ee neerfaha ee soomaalidda ku yar takhasuskiisu, samafal buu ugu shaqayn jirey dadka oo wax badan kama qaaadi jirin dadka uu dabiibayo, dadka loo keeno sida uu ku sheego uun bay kuwo dibadda joogaana ku sheegaan, marka waa in dadkeenu aamina dhakhaatiirteennu, dhakhaatiirta uu dibada ka keenay lacag badan bay ka rabaan laakiin kuweena ka baran doono”.

Intaas ka dibna madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha golaha Wakiiladda waxay soo kormeereen qalabka iyo qaybaha uu cisbitaalku ka kooban yahay.

Daawo muuqaalak khudbadii dheerayd ee Dr Gaboose

Daawo sawirrda
39b

39b1

39b1a

39b1a1

39b1a2

39b1a3

39b1a4

39b1a5

39b1a6

39b1a7

39b1a8

39b2

39b2

39b2a

39b2a1

39b2a2

39b2a3

39b2a4

39b3

39b3

39b3a

39b3a1

39b5

39b4
Puntlandes.com

About The Author