Daawo Video: Qabidhagax oo sheegay in Koox yar ay Muqdisho jariimo ugu gaysatay
2018 (Puntlandes) Dowlada Ethiopia ayaa dib xorriyaddiisa u siisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo ka mid ahaa saraakiisha ONLF, muddo ku dhow sannad na u xirnaa dawladda Itoobiya, iyadoo ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay ama u gacangelisay.
Baraha bulshada ayaa shalay lagu baahiyey muuqaal safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho oo leh waxaa ka dambaysay oo codsatay in lasii daayo madaxda dawlada Soomaaliya, hase yeshee waxaa maanta ka hadlay mowqifkiisa uu kaqabo halgankiisii uu ku jiray Qalbi dhagax iyo gacangelintii loo gacan geliey dawladda Itoobiya.
Daawo muuqaalka safiirka
Qalbi dhagax ayaa sheegay in Koox yar ay Muqdisho jariimo ugu gaysatay una gacan gelisay Itoobiya, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sidii ay u garab istaageen qaadiyadiisii.
Halgamaa Qalbidhagax ayuu u mahadceliyey Shacabka soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyey inay ummadda Soomaaliyeed mid tahay ayna maalin midoobi doonto uuna isagu taas ku shaqayn doono.
Dhanka kale Qanbi Dhagax ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada shacab oo walaalaha ah ee Oromada iyo Soomaalida.
Daawo muuqaalka shirkii jaraaid ee qalbi dhagax
Puntlandes.com