Daawo Gudomiyaha Gobolka Karkaar oo Beeniyey Qoraalkii Garoweonline ee madaxweyne Gaas
01 July 2018 (Puntlandes) Gudomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulahi Mohamed Barre Caato oo shir jaraid qabtay ayaa kaga hadlay war uu qoray Garoweonline.com, kaas oo uu ku sheegeen in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu walaac ka muujiyay Ciidamada qeybta ka ahaa xoreynta Gobolka Sool ee Puntland ee dhawaaan ka baxay Gobolka Karkaar.
Joornaalka Garowe Online ayaa baahiyey June 29,2018 warkaas sheegayey in Madaxweyne Gaas cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar kaga soo biirey difaaca jiida hore ee Tukaraq.
Gudoomiyaha ayaa sheegey in wesbite-yakaas ka waantoobao waxyaabaha uu qorayo, oo aan sal iyo raadka lahayn.
Caato ayaa yiri “Wargeysyada ka howlgala gudaha Puntland gaar ahaan Website-yada qaar kamid ah waxaan ku wargalinayaa iney ka waantoobaan waxyaabaha ay qorayaan, waxaan akhriyey maqaal uu qorey website sida aan ku arkey magaciisa la yiraahdo Garowe Online, maqaalkaas ma qorin qof waxbadan ka yaqaan sharciga saxaafada iyo arimaha amniga.”
Caato ayaa intaas kusii daray in Garowe Online lagu xusey labo qodob oo kala ahaa in Madaxweyne Gaas cagajiid iyo cabsi weyn ka muujiyey ciidamadii gobolka Karkaar kaga soo biirey difaaca Jiida hore ee Tukaraq iyo in Gaas uusan rabin in colaada Sool dhinac u dhacdo tan iyo inta qorshihiisa xil kororsiga dhaceyso.
Caato ayaa yiri “Ciidanka ka yimid gobolka Karkaar waa cutubyo kamid ah guutada 48aad waxayna kamid ahaayeen ciidamada Madaxweynihu amrey iney jiida hore ee difaaca ka howlgalaan, gudoomiye ahaana aniga ayuu igu soo amray in aan jiida hore ciidankaas geeyo, waana geeyey, qodobka Labaad Madaxweyne Gaas hadii uusan daacad ka aheyn xoraynta gobolka Sool ma diyaariyeen ciidamada kor u dhaafey Tobanka kun mana galeen kharashka dhamaan saameeyey dhaqaalaha Puntland”
Joornaalka Garowe Online ayaa caado ka dhigtay inuu warar aan sal iyo raad toona layn oo lagu jahwareerinayo shacabka reer Puntland, isagoo intii ay Somaliland duulaanka kusoo qaatay Puntland waday warar uu ku sheegayo madaxweyne Gaas inuusan daacad ka ahyn iyo inuu heshiis la galay madaxweynaha Somaliland taaso notay moid aan xaqiiq ahayn.
Daawo Gudoomiyaha gobolka Karkaar
Halkan ka akhriso warka Garowe Online: https://www.garoweonline.com/so/news/puntland/gaas-oo-cabsi-ka-muujiyey-ciidamo-gaarey-tukaraq-sabab
Puntlandes.com