Eng. Yariisow oo sheegay inuu ka xunnahay Hoobiyeyaashi Wadajir
02 July 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in amniga Caasimadda uu soo hagaagay, kuna yimid iskaashi, wada shaqeyn dhex maray shacabka iyo Ciidamada.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay, kaddib kulan uu la qaatay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, ayaa waxaa uu ka codsaday shacabka ku nool Gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka cadowgu maleegayaan
“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir”ayuu yiri Eng. Yariisow oo aan sheegin dadka wax ku noqday hoobiyeyaashii shalay ku dhacay degmada Wadajir.
Inkastoo Guddoomiye Yariisow uu sheegay in amniga Muqdisho soo hagaagayo, hadana waxaa magaalada ka dhacayay tan iyo bishii hore dilal qorsheysan oo qaarkood dadka la tooganayo muuqaalo laga duubayay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlin dilalka iyo dhibaatooyinka ay Ciidamada amniga u geystaan shacabka Muqdisho, gaar ahaan dilalka sii kordhaya ee loo geysanayo darawalada mooto bajaajka, waxaana ugu dambeeyay maanta oo wiil dhalinyaro oo Mooto bajaaj wadayay uu askari ka tirsan ciidanka dowladda ku dilay agagaarta Daarta Sey Biyaano ee degmada Hodan.