Sawirro: R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socda dowladda Qadar, warbixin ujeedada wafdiga
Ujeedada wafdigaan ayaa ahaa in ay sahmin iyo qiimayn ku sameeyaan qaar ka mid ah Dekadaha dalka taas oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowlaha Soomaaliya iyo Qatar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey boqashada ay Muqdisho ku yimaeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habrac shariciga ee u yaalla Soomaaliya.
Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta qaranka kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay tagi doonaan magaalooyinka xeebaha ku yaalla, sidii ay u qiimeyn lahaayeen dekedaha ku yaalla magaalooyinka istiraatiijiga ah.
Qatar oo ka faa’ideysaneysa xiriirka dhow ee la leedahay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la soo baxday tallaabooyin cusub oo ay xiiso ugu yeeleyso loolanka loogu jiro Dekedaha Soomaaliya.
Xiisadda u dhaxeeyay dalalka Khaliijka ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, tan iyo markii Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay xiriirka u jareen Qatar.
Loolanka loogu jiro Dekedaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid weji cusub yeelanaya, iyadoo markii hore loolanka u dhaxeeyay Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo maamula Dekadaha Muqdisho, Berbera iyo Boosaaso, hadana ay kusoo biirtay Qadar oo jaal dhow la ah Turkiga.
Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ku saabsanaa maalgashiga Afarta Dekadood, waxaa loo arkayay inay soo baxeen fursado cusub oo lagu maalgashan karo Dekedaha Soomaaliya, isla markaana Itoobiya ay ka noqoto suuq-geeye.