Sawirro: Dhismaha Iskuulka Farsamada Gacanta Ee Degmada Bursaalax oo gabogabo maraya & agab la gudoonsiiyey
04 July 2018 (Puntlandes) Dhismaha Iskuulka Farsamada Gacanta ee Degmada Bursaalax ayaa maraya heer gabogabo ah, waxaana la gudoonsiiyey agabyo kala duwan oo uu ku shaqayn doono Iskuulku.
Maamulka Mashuuraca horumarinta Bursaalax ayaa u mahadceliyey Jaaliyadda RHOA, gaar ahaan RHOA USA oo Gacanta ku haysa Dhismaha Iskuulkan.
Dhanka kale waxaa Iskuulka Farsamada Gacanta Bursalaax soo gaaray qalabki ugu horeeyey ee Farsamada Gacanta, qalabkaas oo ah Harqaamada Dhar Tolmada ( Toiloring Machine), waxaana soo gaday RHOA , USA oo gacanta ku haysa dhismaha Iskuulka.
Sidoo kale Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Ahmed Huruuse Xaashi ayaa ku wareejiyey agabka waxbarashada Iskuulka Farsamada Gacanta ee Degmada Bursaalax gaar ahaan Manhajka iyo Buugaagta ay ugu deeqay Wasaaradda waxbarashada dawladda Puntland.
Iskuulkan Cusub ee lagu baranayo Farsamada Gacanta ayaa hoos imaanaya Mashruuca BCDO.
Agaasimaha BCDO Mohamed Abdul Mursal ayaa ka gudoomay Buugtaas Gudoomiye Axmed ugana Mahadnaqay Wadaaradda deegdaas.