Ethiopia oo ONLF ka saartay liiska argagixisada
05 July 2018 (Puntlandes) Baarlamanka dalka Itoobiya ayaa maanta ansixiyey qaraar ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ee dalkaas ka saaraya liiska argagixisada oo ay horay dawladihii dalkaasi geliyeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana.
Baarlamanka ayaa qaraarkan ku ansixiyey cod aqlabiyad leh, waxaana qaraarkan Baarlamanka u gudbiyey sabtidii tagtay golaha wasiiradadalkaas.
Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah isbeddelada siyaasadeed ee dalkaas uu ka wado ra’iisul wasaare Dr Abiy Ahmed, isagoo horey xabsiyada uga sii daayey siyaasiin mucaarad ah.
Dhowaan dowladda Ethiopia waxa ay xabsiga ka daysay sarkaal ka tirsanaa ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, kaasi oo dowladda Somalia ay Ethiopia u gacan gelisay bishii august ee 2017-kii.
Qalbi-Dhagax ayaa ka dhoofay magaalada Addis-Ababa, waxaana xalay si ballaaran loogu soo dhaweeyey magaalada Naiorbi oo uu hadda ku sugan yahay.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in sanadkii hore markii dawladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Qalbi Dhagax ay golaha wasiirada Soomaaliya ansixiyeen in ururka ONLF uu yahay AGAGIXISO.
Puntlandes.com