Daawo Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Xaggii abaabulka shacabka & xaggii Diblomaasiyada ay Puntland uga guulaystay

06 July 2018 (Puntlandes) Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Doorashadadii Somaliland ay Kumiye iyo WADANI ku galeen Qabyaalad ayna keentay in hada ay Somaliland u kala fadhido Jeegaan iyo Garxajis, wuxuu kaloo sheegay in Xiisada Colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq ay Puntland uga adkaatay dhan walba.

36c

Faysal ayaa yiri markuu ka hadlayey Somaliland “Maanta maalin ay ka Xuntahay Somaliland ma jirto, Doorashadii waxaa lagu Galay Hab Qabiil, Labadii Xisbi ee Wadani Iyo Kulmiye Midna wuxuu Fariistay Madaxtooyada, Midna Wuxuu Fariistay Buurta Gacan Libaax “

Dhinka kale Faysal ayaa yiri markuu ka hadlayey xiisada dagaal ee Deegaanka Tukaraq “Xaggii abaabulka shacabka iyo xaggii Diblomaasiyada labada waa la inooga guulaystay”

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author