Daawo Video: Waxgarad ka tirsan Beesha Habarjeclo oo ka hadlay Colaadii Ceel afwayn Cabasho u dirtay Puntland

06 July 2018 (Puntlandes) Waxgaradka ka tirsan Beesha Bariga Burco ee Habarjeclo oo saxaafadda la hadlay ayaa baaq iyo digniin kasoo saaray Xiisada Colaadeed ee ka taagan Deegaanka Ceel-afwayn.

43a

Waxay sheegeen in Shirkiii Beesha Garxajis ay qabsatay lagu gudoonsaday dagaal, sidoo kale  Xukuumadda Muuse Biixi ayay ku eedeeyeen in Gobolka Sanaag ay ku Wareejiyey Jabhad garxajis ah,  waxayna ugu baaqeen inuu wax ka qabto.

Puntland ayay ku eedeeyeen inay Hub Siin Beesha Garxajis, Waxayna sheegeen in Hubkaasi lagu weerari doono Beesha Biciid/Habarjeclo,  waxayna ka codsadeen in Puntland ka joojiso hubka.

Waxgaradka ayaa sheegay oo aan qarsan inay Ciidankoodii iyo Saraakiishii Beeshoodu ay Joogaan Tukaraq oo Somaliland ay u dhimanayaan, halka kuwa ka soo horjeeda ay Tukaraq ka soo baxeen.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author