Weerar Qaraxyo ah oo dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Alshabaab oo sheegatay
07 July 2018 (Puntlandes) Weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku taalla agagaarka Taalada Sayidka ee 888, iyadayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa hore oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee Koontaroolka Isgoyska Sayidka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare xooggan iyo gaadiid wadada marayay oo saameeyay qaraxa.
Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas xooggan iyo bambooyinka, waxaana sida wararku sheegayaan gudaha u galeen xarunta wasaaradda dabley hubeysan, kuwaas oo ka dhex dagaalamaya dhexdeeda.
Is rasaaseynta kaddib ayaa markiiba la maqlay qarax kale oo aad u xooggan. Rasaasta laga maqlayo aagga uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u xooggan, iyadoo xaalada aan kala cadeyn. Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadada soo aada Isgoyska Sayid oo uu qaraxa ka dhacay, waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan, balse lama haayo tiro rasmi ah.
Ciidamada ammaanka ayaa wada howl gal lagu soo afjaro weerarkii lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wararka ayaa sheegaya in shaqaale laga soo badbaadiyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana lagu soo waramayaa in xilliga la weeraray aanay ku sugneyn Wasiirada Wasaaraddaas, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, kuxigenkiisa iyo wasiiru dowlaha.
AsShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda.
Xarunta Oto Oto ayaa waxaa isla degan Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga, waxaana gudaheeda laga maqlayaa rasaas.
Puntlandes.com