Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay weerarkii Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

07 July 2018 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka warbixiyay weerarkii maanta ay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku dhow Taalada Sayidka.

42b4

Shir jaraa’id oo uu Wasiirka ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayuu ku sheegay in Ciidamada ammaanka ay soo afjareen howl galkii lagu soo qaaday xarunta, isla markaana la dilay dableydii weerarka soo qaaday.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo ammaano, ka soo reynayay muddoyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaadayay, Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Daahir Geelle.

Wasiir Geelle ayaa sheegay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo aan sheegin tirada rasmiga ee dadkii wax ku noqday qaraxyadaas.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay qaraxa ay gaarayaan illaa sagaal ruux, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xarunta Otto Otto ayaa waxaa ku yaalla xarumaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, waana goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana isa soo taraya su’aalo la iska weydiinayo oo ku aadan sida ay ku suura gashay weerarka intaas la eg in xarunta lagu soo qaado.

Puntlandes.com

About The Author