Sawirro: Qorshaha Prof Axmed ismail samatar & Xubnaha La Socda Ee Tuloraq
08 July 2018 (Puntlandes) Prof Axmed ismail samatar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Jiida hore ee Tukaraq, waxaana ka mid ahaa wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde iyo Saraakiil ciidan oo uu kamid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Fadal Iimaan.
Wafdiga Prof Axmed ayaa waxay tageen Jiidda Hore ee Tukaraq, waxayna Khudbado iyo hadalo dhiirigalina u jeediyeen Ciidamada Jiidda hore ee Tukaraq kaga sugan Somaliland. Prof Axmed ayaa si dhuumashaa ku dhaafay Magaalda laascaanood, isagoo maray duleedkeeda halka lagu magacaabo Goojacadde.
Saxaafadda Madaxa Banaan Ayaa loo diiday inay ogaadaan Xaaladda dhabta ah ee ujeedka Socdaalka wafdiga Prof Axmed Ismail Samatar iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland.
Sida ay Wararka xogagaalka ah ay sheegaya in uu Safarkaasi ka baaqday Prof Cali Khaliif Galayr oo arimo nabadgalyo Darteed ug haray Safarkaasi.
Warar madax banaan oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Prof Axmed uu Muuse Biixi ka codsaday inuu Ciidamada ka soo jeeda Beesha Prof-ka oo bilaabay waqtiyadii u dambeeyey inay ka baxsadaan Jiida Tukaraq ku dhiiri geliyo inay ka qayb noqdaan dagaalka lagu hayo Puntland uuna yahay mis sax ah.
Masuuliyiinta Somaliland ee inta badan Soo booqanaya Jiidaha ciidamada Somaliland Ayaa arimo Nabadgalyo Darteed Duleedka Bari ee magaalada ka wareega marka ay Doonayaan inay Soo booqdaan ciidamada iyagoo ka baqa inay Shacabku ku kacaan Maadaama ay Shacabku ka soo horjeedaan Somaliland
Daawo sawiradda