Wasiri Ducaale “Dadka ka hadlaya jidadka xiran Alshabaab ayaa ka hadalsiinaya”
15 July 2018 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in Alshabaab ay dadweynaha ku dhex jiraan, kana hadalsiinayaan markii la xiray Waddooyinka magaalada Muqdisho.
Wasiir Ducaale ayaa difaacay jidadka la xiray oo shacabka Muqdisho ay maalmihii la soo dhaafay ka cabanayeen, waxaa uu ku dooday in jidadkaas markii la xiray laga hortagay weerarada Alshabaab, balse markii shacabka ay ka hadleen jidadkaas oo la dabciyay ay dhacday weerarkii Sabtidii.
Wasiir Ducaale ayaa yiri “Markii jidadka la xiray nimankaan nabad diidka Alshabaab waxay soo dhex galeen shacabka oo ay ka dhex hadal siinayaan, Alshabaab waa dad Soomaaliyeed oo anaga nagu dhex jira, waxaa aaminsanahay in waxa meelaha ka hadlaya ay iyaga yihiin, markii jidadka la dabciyayna waxaa dhacday weerarkii Sabtidii la soo dhaafay”
Waxaa uu sheegay in dad badan loo xiray weerarkaas oo ay ku jiraan ciidamo, isla markaana aanay horay u dhici jirin dad weerarada loo xiray, taasna ay ka mid tahay isla xisaabtanka, isagoo intaa raaciyay in dhowaan ay war ka soo saari doonaan
Mar uu ka hadlayay ciidanka Xasilinta ee suga Amniga Caasimadda ayuu sheegay inay wax badan ka bedeleen amniga Caasimadda, isla markaana ay ku saleysan yihiin ciidamada qalabka sida.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa su’aal iyo doodo ka keenay sababta ay ku dhacday jidadka Muqdisho oo la xiray in Alshabaab weeraro ka geystaan halbowlayaashii dowladda, iyadoo magaalada Muqdisho todobaad gudihiis uu ka dhacay weeraro toos iyo qaraxyo ay Alshabaab ku soo qaadeen hareeraha Madaxtooyada.
Puntlandes.com