Sawirro: Xisaabiyaha cusub Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobalka Mudug oo xilka la wareegay
16 July 2018 (Puntlandes) Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobalka Mudug mudane Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey) ayaa xilka maanta kala wareegay kaaliyihii xisaabiyihii hore ee is casilay 24kii june Barkhadle Aadan Muuse, kadib markii Musuqmaasuq dartiis ay xilka wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland ka joojisay 17kii june.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa goob jog ka ahaa Wasiirka wasaaradda maaliyadda dawladda Puntland mudane C/laahi Siciid Caarshe, maamulka gobolka Mudug, kan degmadda Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.
Xisaabiyaha maanta xilka la wareegay Aqoonyahan Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye (Geesey) ayaa waxaa xilkan culus loo magacaabay 04tii july 2018ka.