Daao muuqaalo Madaxweyne Gaas oo shirka Brussels ka sheegay in Puntland ka xoraynayso dhulka ay Somaliland ka haysato

16 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka Brussels ayaa si cad u sheegay in dawladda Puntland ay ka xoraynayso dhulka uu haysto maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi.

44a6a

Dhanka kale madaxweynaha ayaa amaanay guulaha laga gaaray arimaha dastuurka ama siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan heshiiskii inay Soomaaliya ka dhacdo hal cod hal qof 2020ka, kii qaybsiga Khayraadka dalka iyo arimo kale.

Dr Gaas ayaa beesha caalamka u sheegay in Muuse Biixi uu leeyahay mas’uuliyadda khasaaraha dagaalka Tukaraq kii hore iyo kan soo socdaba, maadaama uu soo weeraray Puntland uuna ka diiday Beesha Caalamka inuu ka baxo dhulka Puntland wuxuuna si cad u sheegay inay dadka Daraawiisheed ee leh  dhulkaasi ay yihiin Wadnihii Puntland.

Daawo khudbadii Madaxweynaha oo afka Ingiriiska ah

Halkana ka daawo Madaxweyne Gaas oo waraysi kooban ka bixiyey dagaalka Somaliland

Puntlandes.com

About The Author