Muuse Biixi oo hadlay wafdigii uu u dirsaday Puntland & arimo kale

16 July 2018 (Puntlandes) Madaxtooyada maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa waxa maanta laga soo saaray war qoraal ah oo looga hadlay dagaalka Tukaraq, Ergadiii uu Muuse u dirsaday Puntland iyo shirka Soomaalida Brussels oo uu Faysal Cali Waraabe ku matalayo hoos ka akhriso.

21

Somaliland waxay caddaysay inay diyaar u tahay xabbad joojin ka hirgasha Tukaraq. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tukaraq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan.

Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.
Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Waa kan Faysal Cali Waraabe oo shirka ku matalaya Muuse Biixi

Puntlandes.com

About The Author