Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhoweeyay Asmara
28 July 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.
Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.
Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.
Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1994-kii.