DEG DEG QARAX KA DHACAY BUHODLE OO LAGU DILAY MASUULIYIIN
01 Aug 2018 (Puntlandes) Waxa caawa ka dhacay magalada Buuhoodle ee xarunta gobalka cayn qarax xoogan oo lala beegsaday masuliyntii sar sare oo ah kasoo jeeda deeganka.
AUN Cabdifatax
Mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxay kala yihiin lataliyihii hore amniga iyo siyaasada raysalwasarihi hore Cumar Cabdirashid isla markaasna ahaa hada Gudoomiyaha shacabka SSC ee Muqqdisho Cabdifatax Maxamed Cali iyo wasirkii hore ee Arimaha gudaha ee maamulka Khatumo Ahmed Maxamuud Doolaal.
AUN Doolaal
Mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxay dhawanahan gobalka ka wadeen abaabul ay uga qayb qaadanayeen xoraynta dhulka uu haysto maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ere ay abaabulkeeda wado dawladda Puntland, iyagoo dhawaan ka ambabaxay caasimada Puntland ee Garowe.
Waa Markii kowaad oo magaalada Buuhoodle mas’uuliyiin lagu dilo Qarax, waxayna shaki galinaysaa xiriirka uu la leeyahay maamulka Muuse Biixi.
Puntlandes.com