Sagaal qof oo reer Jabuuti ah oo lagu dilay Diridhaba
06 Aug 2018 (Puntlandes) Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC.
Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhanka kalana taliyaha Ciidammada Booliska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaacay gudaha dalka Jabuuti.
Warakii ugu dambeeyey hadda kasoo dhacay magaaladaas ayaa sheegaya in ay dhimashadu marayso ugu yaraan 15 qof oo isugu jira Soomaali iyo Oromo.
Dhanka kale dalka Jabuuti ayaa waxaa maant lagu dhaawacay labo qof oo kasoo jeeda qawmiyada Oromada ee ku sugan dalkaas, xasaradii u dhaxaysay Soomaalida iyo Oromada ee ka taagan dalka Itoobiya ayaa hadda u eg mid u gudubtay Geeska Afrika.
Puntlandes.com