Daawo Video: Qalabkii lagu dhisayey Dekadda Garacad oo Garowe soo gaaray
![](http://www.puntlandes.com/wp-content/uploads/2018/08/45a6a4.jpg)
14 Aug 2018 (Puntlandes) Qayb ka mid ah qalabkii lagu dhisi lahaa Dekedda Garacad ayaa xarunta dhexe ee shirkada TTN oo dhisaysa Dekedda Garacad.
Horay waxaa Garacad ugu sugnaa Injineeradii dhisi lahaa iyo qaybta kale ee qalabka lagu dhisi lahaa Dekedda. Shirkada TTN ee dhisaysa Dekedda ayaa ah Shirkad Turki ah, horayna u dhistay Garoonka Caalamiga ah ee Gen Maxamed Abshir ee caasimadda Puntland.
Dhawaan ayuu qalabkan cusubi gaari doona Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, halkaas oo ay kasocoto dhismaha dekeddii ama mashuucii ugu waynaa ee laga hirgaliyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ama Geeska Afrika kaas oo ah ah mid iskutashi bulsho ku socda.
Daawo muuqaalka
Puntlandes.com