Akhriso-Daawo: Khudbadii uu Madaxweyne Waare ka jeediyay Shirka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Kismayo

Akhriso;Khudbadii uu Madaxweyne Waare ka jeediyay Shirka Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Ee Kismaayo Maanta Ka Furmay

55

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

 

Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada, Madaxweeynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaliya, Xubnaha Golayaasha Fulinta iyo Baarlamaanada Dowladgoboleedyada, Ereyga Gaar ka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Saraakiisha kale ee ka socda Qaramada Midoobay, Marti sharafta kale, Ciidamada qalabka sida, Bahda saxaafadda xorta ah.

 

Assalaamu Caleykum waraxmatullilah w Barakaatuhu. 

 

 

Mudane Guddoomiye, Madaxweynayaal

Waxaan marka hore tacsi u dirayaa ummadda soomaaliyeed dhibaatadii Doraad ka dhacday degmada howlwadaag ee gobolka Banaadir oo arday dugsi dhiganeeysay, macalinkoodii iyo shacab aan waxba galabsan lagu laayey.

Aniga sigaar ah ayeey ii taabaneeysaa dhacdadaasi. Dugsiga hoose dhexe ee howl-wadaag, oo aad ugu dhow halka dhibku ka dhacay, waa halkii aan ku dhameeystay waxbarashadeeydii aas aasiga ahayd.

Waxaan xasuustay waqtigii aan iskuulkaa dheggan jirnay, kuna ciyaari jirnay barxadda u dhexeeysa Dugsiga Hawl Wadaag iyo halka  dhibku ka dhacay.

Waxaan ku riyoon jirnay, sida ilmaha nala da’da ah caalamka oo dhan, markii aan weynaado waxaan noqonayaa askari, macallin, ingineer, daqtar, cayaaryahan, iwm. Ilmaha hadda jooga intaaba waa ku riyaadaan, laakiin waxaa u dheer, iyaga iyo waalidkoodba, caawa nabad ma ku soo hoyaneeysaa. Qarax iyo xabbad ma ka badbaadeeysaa. In badan oo ka mid ah, sida dorraad dhacday, su’aashu nasiib darro waa maya.

Kuwa dhibkaa geeystay, Ilmaheenana sidaa biday,  uma jeedaan diin, dowlad, ciidan iyo gaalo intaba.

Waxay maalin walba baneeysteen dhiigga shacab ah oo aan waxba galabsan, arday .dugsi dhigata, hooyooyin ilmahooda u adeeganaaya, iyo aabayaal reerahooda biil u raadsanaaya.

Waxaa nooga furan oo kaliya kooxahaas nabad diidka ah in aan la dagaalano oo aan iska celinno, oo aan dadkeena ka badbaadino.

Mudane Guddoomiye,

Waxaan halkaan isugu nimid in aan iska wareeysanno xaalada waddanku ku sugan yahay, gaar ahaan degaannadii aan ka nimiid, talana ku biirinno ka tashiga ayaaha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed , dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, nolosha iyo horumarka.

Hasa yeeshee, si mustaqbalka loo odoroso, waxaa lagama maarnaa ah in dib loo jaleeco taariikhda si duruusta munaasibka ah looga barto. Ciddii aan taariikhda wax ka baran, waxaa hubaal ah iney dib ugu dhaceeyso qaladaadkii hore loo galay.

Waddanka soomaaliya todobaatameeyadii horaanteedii waxaa ka dhacay isbadal xoog leh oo dhaqan dhaqaale, oo ka dhashay afgembiga ciidamada qalabka sida ku qabsadeen awoodda iyo talada dalka. Sida aad ka warqabtaan, Waxaa markiiba la qaaday talaabooyin wax looga qabanaayo dhibaatooyinkii jiray, laguna keenay isbedel weyn oo xagga arimaha bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga, iyo adeega guud ee Bulshada.

Waxaa la dhisay ciidamo tayo leh oo awoodda dowladda gaarsiiyey dhammaan wadanka oo dhan. Waxaa la qoray farta soomaaliga, waxaana loo dareeray ololihii horumarinta reer miyiga iyadoo mudo dhowr bilood ku siman, soomaaliya ay noqotay wadanka labaad ee Afrikada saxaraha ka hooseeysa xagga far-dhigidda (literacy).

 Waxaan helnay sharaf iyo magac diplomaasiyadeed, waxaana la xusuustaa shirkiiOAU-da ee lagu qabtay Xamar, sanadkii 1974-kii, iyadoo Afrika in badan oo kamid ah ay weli gumeeysi ku jirto.

Waxay soomaalidu xaq u yeelatay in ay ku faanto soomaalinimada, wadankeeda, horumarka ay ku talaabsatay iyo rajada u muuqata.

Mudane Guddoomiye, iyadoo halkaas mareeysa ayaa waxaa Geeska Afrika soo wajahay oo saameeyey duufaan siyaasadda Juquraafiyeeysan  (Geo-politics)  oo ka dhalatay loolankii ka dhaxeeyey awoodaha waaweyn iyo dagaalkii qaboobaa.

Duufaantaas soo saameysay waddamada aduunka sadexaad, gaar ahaan mandiqadda aynu ku noolnahay, waddama farabadan waa ay maareyeen, waana ka badbaadeen dhibaatada ilaa iyo xad. Annagu soomaali haddaan nahay, waan maareeyn weynay duufaantaas, waxaana nagu dhacay ilduuf siyaasadeed. Waxaan ku wareernay go’aamadii aan qaadan lahayn, waxaan markii danbana dhibane u noqonay saameeynteeda.

 Waxaan galnay 1977-kii dagaal aan si hufan looga wada tashan, si fududna lagu galay.

 Cawaaqibtii ka dhalatay dagaalkaas waxay keentay in ugu danbeeyn wadankii ku yimaado gilgil xoog leh. Waxaa na la riday dowladdii xoogga lahayd waxaana lagalay dagaal qabiil. waxaana dib loo burburiyey wixii horay loo soo dhisay oo ay ugu muhiimsaneyd dowladnimada lafteeda.

Caasimadda dalka oo lagu faani jiray beri ayaa la debsaaray. Waxaana muddo gaaban gudaheed laga dhigay meel aduunka oo dhan farta ku fiiqo xagga amni darada, kala dambeeyn la’aanta iyo ku xad gudubka xuquuqda muwaadinka.

Waxaa loo kala cararay magaalooyinka fog fog, waxaana loo kala go’ go’ay aagag qabiil. Waxaa la isku soo qaaday dagaallo awood raadis ah qabiilkuna shidaayo, waxaa istaagay isu socodkii, ganacsigii iyo waxbarashadii aas aasiga ahayd.

Waxaa istaagay wax soo saarkii beeraha, gaar ahaan inta u dhaxeeysay labada webi, beeraha iyadoo aan waxba laga beeran sadex fasal oo isku xigta (Deeyrtii 92, Gugii 93, Deeyrtii 93). Waxaa halis galay, wax la cuno iska daaye  in in la waayo abuurka, haddiiba colaadu joogsato. Waxay kaliftay, sida aan xasuusto,  in 800 kiilo oo abuurka masego gaduudda moordiga ah aan ka qaadno Degmada Ufurow, luguna beero si loo badbaadiyo, abuur badinna loogu sameeyo Magaalada Macchakos ee Waddanka Kenya.

Waxaa la soo faagay keeydkii bakaaraha, waxaana cagta la marshay xoola dhaqatadi. Waxaa halkaas ka dhalatay ma siibadii la magac baxday caga-bararkii ee adduunka oo dhan la qaracmay, una soo gurmaday. Waxaana ku dhintay bilo gudahood in ka badan 350,000 oo ruux.

Mudane Guddooyime, waxaas oo dhibaato ah, iyo wixii ka dambeeyey oo ay ka midyihiin ciidama shisheeye oo waddanka soo galay, kooxo dagaalyahannaa oo abuurmay, xagjir iyo argagixiso, jahwareer iyo dowlad la’aan- waxay ka dhasheen ilduufkaas siyaasadeed ee aan galnay ummad ahaan toddobaatameeyadii, iyo latashi la’aan inta aan la qaadan go’aamo masiiri ah..

 

Afartan sano kadib, waxaa mar labaad Geeska Afrika soo wajahay duufaano kale oo siyaasadda juquraafiyeeysan ah (Geo-politics), oo markale awooddo dhaqaale iyo siyaasadeed ay ku loo lamayaan Geeska Afrika, waddamo caalamka iyo kuwa gobolka ahina ay lug ku leeyihiin.

Sidii markii hore oo kale, soomaaliya waxay udub dhaxaad u tahay loolankaas, halka istaraatiijiga ah oo ay ku taal iyo kheeyraatka ilaahay ku maneeystay owgood.

Waxaa mar kale nalagudboon go’aan qaadasho sax ah, oo aan uga qeyb qaadano waaga iftiimaaya ee gobolka aynu ku naal, kaas oo haddii si fiican loo maareeyo keeni kara wada noolaaasho, wada ganacsi iyo in la xaliyo khilaafyo soo jireen ah oo dhexyaal ummadaha ku nool Geeska Afrika.

Haddiise aan la qaadan go’aamo sax ah,  waxaan mar kale halis u nahay ilduuf siyaasadeed oo labaad afartan sano kadib. Haddii aan mar kale qaladno talada, cawaaqibteedu waa ka dhib badnaan doontaa tii hore- laba sababood:

1.    Waxaan markii hore ahayn (todobaatameeyadii) dowlad xoogan, dhaqaalaheena iyo awoodeena milititarina waa ay ka wanaagsaneyd sida hadda aan nahay. Diblomaasiyadeena, iyo saaxibadeena caalamkuba intaan waa ka fiicnaayeen.

2.    Taladeenu waa urursaneeyd,  shacabkeena niyadiisa iyo mooralkiisu wuu ka wanaagsanaa sida hadda aan nahay oo aan la daalaa dhaceeyno 4.5 iyo looma dhama, dagaallo qabiil ay weli socdaan, dib-u-heshiisiin dhab ahuna aysan weli dhicin.

                                                                                                         

Markaan halistu wey ka qoota dheer tahay tii hore. Waxaa halis ah iney sii murugto qadiyadda Soomaliland, in gobollo kale sii irdhoobaan, in taladu mar kale gacanteenna ka baxo, in la qaato kheyraadka Ilaaheey noo hibeeyey iyadoo aan talo badan nalaka gelin. Waxaa halis ku jirta Soomalinimada lafteeda iyo jiritaanka Jamhuuriyad xor ah oo Soomalidu leedahay.

Haddaba talada na hortaal ma aha mid sahlan.  Waa in aan la nimaado istaraatiijiyad sax ah oo aan ku maareyno arimaha na horyaal. Waa in aan isweeydiino su’aalo muhiim ah:

1.    Waa maxay tahay “Danta Qaran”  (National Interest) ee soomaaliya ku wajahan, waddamada deriska ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamka intaba?

2.    Yaa saaxiib iyo xulufo inoo ah oo aan ka kaashanaa dabeeylahaas, xaggeesa ku jirtaa danta soomaaliyeed ee dhaqaale, siyaasad iyo amni?

3.    Waa maxay istaraatiijiyadda aan qaadaneeyno si aan u gaarno danaha aan leenahay, ugana badbaadno khataraha na wajahaayo?

Guddoomiye, Madaxweynayaal, talada inoo taal ma aha mid fudud. Waxay u baahantahay daraasad qoto dheer iyo wada tashi dhab ah. Waxay u baahantahay in ay ka qeyb qaataan mucaarad iyo muxaafad, fulin iyo baarlamaan, dawlad dhexe iyo maamul goboleed, dowlad iyo shacab. Waa arrin ka weyn in si fudud iyo si kooban go’aan looga gaaro.

Haddii aan wada tashano, rabbina talo saaranno,  waxay u badantahay in aan helno tubta toosan ee aan ku badbaadineyno dowladnimada iyo jiritaanka ummaddeenana u  ugu horseedeeno nabad iyo horumar. Haddii aan tashanno, Waxaan heleynaa isaga raali ahaansho go’aanka aan qaadanno, iyo kalsoonida iyo taageerada shacabka. Waxaan diyaar u noqonayaa geeddi socod dheer innagoo hal waddo dhammaanteen wada saran. Waxaa yaraanaaya khilaafka iyo iska horimaadka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “wixii la isku ogyahay, haddii ay ceeb keenaan, canaan ma keenaan”

 

Waad mahadsantihiin


Puntlandes.com

About The Author