Sawirro: Munaasabad lagu Daahfurka Dhismaha & Dayactirka wadada Laamiga ee dhexmarta Galkacyo oo maanta la qabatay

09 Sep 2018 (Puntlandes) Munaasabad ballaaran oo lagu Daahfurayey Dhismaha & Dayactirka wadada Laamiga ah ee dhexmarta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaaladaas.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulada Gobolka iyo Degmada, Xisabiyaha Maaliyada Gobolka, Ganacsato, Culuma’udiin Isimo, Haween iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqanka Gobolka Mudug.

Ugu horayntii Guddiga Ayaa akhriyay Warqadda Heshiiska Dhexmaray Guddiga iyo Shirkadda Kebarco oo marka hore dhisaysa 1km oo Laami ah.

Kadibna waxaa lagu soo bandhigay munaasabadda guddi ka kooban 23 oo laga soo xulay Bulshada Qaybaheeda kala duwan.

Xulashada Shirkadda Kebarco oo ku timid qiimayn lagu sameeyay shirkaddo badan isla markaana ay isugu hareen qiimaynta Kebarco iyo Shirkaddi Turkiga ee dhistay Laamiga Madaxtooyada Puntland ee Caasimadda Garowe. Ugu Danbayntiina waxaa ku guulaysatay  Shirkadda Kebarco kadib markii la qiimeeyay Qalabka Iyo Injenarada ay haysato.

Sida Heshiska Dhigayo Shirkadda Kebarco waxay ku dhisaysaa 1km oo Laami ah lacag ah $110,000, taasoo loogu wareejin doonaa seddex waji oo kala ah 40%, 40% Iyo 20%.

Ugu dambayntii Baaq Guud ayaa waxaa loo diray sHacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa reer Puntland inay ka qaybqaataan dhismaha Wadada Wadnaha u ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Munaasabada ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Aqoonyahano, Isimo, Iyo Siyaasiyin Hore dhamaantoodna Waxay bogaadiyeen soona Dhoweeyeen Isku Tashiga lagu dhisayo Wadadan.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

Puntlandes.com

About The Author