Shariif Xasan oo ku eedeeyey DFS inay ka horjeeda Fadaraalka, uguna baaqay Shacbaka KGS inay difaacdaan Fadaraalka
09 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku laabtay magaalada Baydhabo oo si wayn loogu soo dhaweeyey ayaa ka hadlay xiriirka wadashaqaynta ee ay golaha dawlad Goboleedyadu u jareen DFS.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in shirkii ay Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tageen Magaalada Kismaayo uu ku yimid dhibaatooyin ay ka tirsanayaan dowladda haba ugu badnaatee inaysan DFS si daacad ah uga qeyb qaadaneyn dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Waxaa Saxaafada wax ka weeydiisay waxyaabihii keenay inay xiriirka u jaraan dowladda,waxana uu sheegay in ay hakiyeen xiriirkii Wadashaqeyn ay la lahaayeen dowladda ilaa ay uga soo jawaabeysana uu hakadka ku jiri doono.
Shariif ayaa yiri “Anaga dhibaatooyin badan oo aan tirsaneyno ayaa sabab u ah inaan hakino xiriirkii Wadashaqeyn ee DFS,waxana u aragnay in dowladdu ay ka soo horjeedo Fadaraalka, waxaana ugu baaqayaa Shacbaka koonfur Galbeed inay difaacdaan Fadaraalka, waxana ku cel celinayaa Fadaraalka difaaca”
Isaga oo ka jawaabayay Qoraakii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka soo baxay ee looga dalbaday dawlad goboleedyada inay xisaab celin sameeyaan ayuu sheegay in Warkaas ay ka arkeen Facebook, iyana sidoo kale ay Facebook ugu jawaabi doonaan.
Dhagayso madaxweyne Shariif xasan
Puntlandes.com