Aqalka Sare oo qaadacay ka qeyb galka Munaasabaddii furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka

10 Sep 2018 (Puntlandes) Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaadacay ka qeyb galay munaasabadii wadajirka aheyd ee furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Labada Aqal.

47b1

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ayaa maanta oo isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare loogu furo kalfadhigooda 4aad ee taxanaha ah.

Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.

Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal, hase yeeshee kalfadhigan oo hal mar uu furi lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa labo maalin kala furmi doona labada Aqal, taasoo muujineysa in labada Aqal xiriirkooda hagaagsaneyn..

Puntlandes.com

About The Author