15 Sep 2018 (Puntlandes) Col. Jamaal Ducaale Maxamed (Jamaal Baaxad) oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda la baxday ”Dib u-xoraynta Somaliland” ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa gebi ahaanba beeniyay in uu ka baxay jabaddaas, islamarkaana la heshiiyay maamulka Muuse Biixi.
Col Jamaal Baaxad ayaa horay u ahaa amaanduulaha guutada saddexaad ee ciidanka Somaliland, waxaana uu ka goostay 11 bishii Agoosto ee sannadkaan, isagoo ku biiray jabhad uu gobolka Sanaag ka as’aasay Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre).
Maalmo ka hor ayaa waxaa warbixino lagu daabacay wargees ka soo baxa magaalada Hargeysa lagu sheegay, in sarkaalkan Jamaal Baaxad uu heshiis la gaaray maamulka Muuse Biixi ee Jeegaanta Somaliland, islamarkaana dib uga soo goostay jabhadda Caarre.
Col. Jamaal Baaxad oo ayaa waxa uu sheegay inay hadda ku sugan yihiin buuraleyda”Hal-dhaagan” ee qiyaastii 30km waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, wuxuuna caddeeyey in si cad loogu been abuurta oo aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu heshiis la gaaray xukuumadda Muuse Biixi.
Baaxad ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in uu diyaarinayo weerarro uu ciidamada Somaliland kaga soo qaado dhanka buuraleyda gobolka Sanaag,isagoo fulinaya amarka hoggaamiyaha jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland”Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre).
Jabhaddaas ayaa la sheegay in ay udub-dhexaad u yihiin saraakiil sare oo dhammaantood ka goostay ciidamada Somaliland,waxaaana kamid ah;Muuse Axmed Yuusuf{Dheereeye),Siciid Cawil jaamac(Caarre) iyo Gamaal Ducaale Maxamed(Baaxad).