Daawo Video-sawirro: Shaqadii Laami saarka wadada Garowe & Galkacyo oo si habsami ah u socota
16 Sep 2018 (Puntlandes) Shaqadii Laami saarka wadada Garowe iyo Gaalkacyo ayaa waxay u socotaa si habsami.
Waxay hadda shirkadda Isxilqaan ay ku wadaa Laami saarka 40km oo ah Xarfo iyo Burtinle, waxaana qiyaaatii maalintii la dhigaa Laamiga ilaa Shan boqol mitir.
Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in sadexdii maalmood ee u dambaysay wadada Laami la saaray 1.5km, taas oo u dhiganta inay wadadu ku soo gabgaboobayso muda 80 maalmood ah, waa haddii lagu wado sida hada ay ku socoto.
Wadadan ayaa ah Halbowlaha guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu dhismaheedu qayb wayn ka qaadanayaa kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Halkaan ka akhriso warbin ay Warbaahinta Puntlandes ka diyaarisay mashruuca wadada: WAATAN WARBIXINTA RUNTA AH EE MASHRUUCA DHISMAHA WADADA GAROWE & GALKACYO?
Daawo muuqaal
Daawo sawirrada
Puntlandes.com