DAAWO XIL SALEEBAAN “..XILIGII LALA XISAABTAMI LAHAA XUKUUMADDA KHAYRE AYAA LA GAARAY”

19 Sep 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi aoo ka hadlay kullankii golaha Shacabka ay uga doodayeen Amniga Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii uu goluhu la xisaabtami lahaa Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

Xildhibaan Saleebaan ayaa yiri “qorshihii amniga ee RW Khayre noo keenay wuxuu noogu sheegay in aan kula xisaabtano 18 bilood kaddib haddii uu Amniga wax ka qaban waayo, isagaa na yiri intaas nagu qiimeeya oo nala xisaabtama”

42

Saleeebaan waxaa uu intaas ku daray ”wax ay soo kordhiyeen ma jirto, wakhtigii ay qabsadeena waa dhammaaday, marka intaas wax ka badan yaysan dadka wakhti ka lumin ee dadka haka hor waregeen”

Daawo muuqaalka khudbadii Xildhibaan Saleebaan

Puntlandes.com

About The Author