Akhriso Dooda Xildhibaanada ee arrimaha Amniga oo maalintii sadexaad lagu dhaliilay Ra’iisul Wasaare Khayre

19 Sep 2018 (Puntlandes) Dooda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Xildhibaanada ay uga doodayeen arrimaha Amniga ayaa maalintii sadexaad si xoogan loogu dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xasan Cali Kahye.

9

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa soo xaadirtay 156 Xildhibaan, waxaana mar kale Xildhibaanada ay si qoto dheer uga hadleen amniga dalka iyo eedeymo ay u soo jeedinayeen Xukuumadda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka hadlay kulankii maanta ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay ku fashilantay amniga, isla markaana ay tahay in lala xisaabtamo waxaana idiinka soo qaadaynaa:

Xildhibaan M.Cali ayaa yiri “Ciidankii soomaaliyed waa la baaba’shey, Xuquuq ahaan ayaa loo baaba’shey, Ciidan ahaan ayaa loo baaba’shey, daraja ahaanne waa loo baaba’shey”

Hoos ka daawo khudbadii Xildhibaan M.Cali

Xildhibaan Xasan ayaa yiri “Madaxweynaha marwalba wuxuu xirtaa tuuto kala duwan, marwalba wuxuu tagaa wasaaradda gaashandhiga, marwalba wuxuu iclaamiyaa dagaal joogta ah wuuna ka soo laabtaa”

Hoos ka daawo khudbadii Xildhibaan Xasan

Xildhibaan Sakariye Fiqi Muxumud ayaa dooda amniga ee golaha shacabka ka sheegay in xukumadda aan lagu qiimeneyn xaladda amni uu dalka ku sugnaa sanadihii 2011 iyo 2012, balse lagu qiimeynaayo wixii ka danbeeyay bishii Febaraayo ee sanadkii 2017.

Hoos ka daawo khudbadii Xildhibaan Sakariye Fiqi Muxumud

Xildhibaan Sacdiya “Xildhibaanada intooda Badan waa wasiiro Mana Jiro wasiir halkaan Soo istaagay oo ka hadlay Xaalada Dalka, Ma aqaan ma caburin ayaa Jirta oo gadaal ka imaanaysa Mise arrima kale ayaa jira”.

Hoos ka daawo khudbadii Xildhibaan Sacdiya

Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo sheegay in amniga Muqdisho uu faraha ka baxay ”18 bilood lasoo dhaafay amnigii dalku faraha ayuu ka baxay”

Hoos ka daawo khudbadii Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur

Puntlandes.com

About The Author