Dooddii Amniga ee ka socotay Golaha Shacabka oo xildhibaanada badankoodu ay codsadeen in RW Khayre hor yimaado.
19 Sep 2018 (Puntlandes) Dooddii Amniga ee ka socotay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS 3dii cisho ee ugu dambaysay ayaa xildhibaanada badankoodu waxay codsadeen in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre hor yimaado.
Arintaani ayaa Ra’iisul Wasaaruhu aad uga warwareegayaa maadaama uusan qorshe cad oo uu ku qancin karo Baarlamaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed hayn.
Xildhibaano badan ayaa ku dooday inaan loo baahnayn in Ra’iisul Wasaaruhu dhalinyarada iyo haweenka uu ku marin habaabiyo khudbado xamaasadi ku dheehan tahay, laakiin ka fog wax qabad iyo hanaan siyaasadeed.
Xildhibanadu waxay codsadeen inuu iyaga kala hadlo wixii uu hayo RW Khayre.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa cabsi ka qaba inuu xilka ku waayi karo haddii si dhab ah uu Baarlamaanku ula xisaabtamo.
Xildhibaanadu waxay kaloo iftiimiyeen inay xukuumaddu ku mashquulsan tahay sidii ay magacooda u xayaysiin lahaayeen, taasoo ay u adeegsadaan baraha bulshada ayna ku bixiyaan hanti aad u faro badan oo wax lagaga qaban kari lahaa arimaha amniga guud ahaan iyo tan caasimadda gaar ahaan.
Dhaliilaha culus ee xukuumadda loo soo jeediyay waxaa ka mid ahayd inay maarayn la,yihiin wada shaqaynti kala dhaxaysay dawlad goboleedyada dalka, kuwaasoo waliba xubno ka ah Guddiga Amniga Qaranka, marka laga tago inuu waddanku Fadaraal yahay oo aan laga maarmin wada shaqayn.
Xukuumadda hadda jirta oo Dowladda Qadar ay ku taageerto lacag qarsoodi ah oo aan nidaamka lacagta soo marin sida Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaar la ah inay lacagta ugu badan ku bixiyaan sidii ay xukunka ku sii joogi lahaayeen.
Puntlandes.com