Golaha Wasiirada Puntland Oo Kulankoodii khamiislaha ahaa Ku Yeelanaya magaalada Badhan Ee Gobalka Sanaag.

20 Sep 2018 (Puntlandes) Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, ayaa maanta kulankoodii Caadiga ahaa ku yeelanaya Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, Iyadoona inta badan Wasiiradu ay ku Sugan yihiin Badhan, oo ay Shalay gaaree Madaxweynaha Puntland iyo Xubno kamid ah Labadiisa Gole.

33

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Shir Guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Looga hadli doonaa Arrimaha Ammaanka Puntland, Daan-daansiga Maamulka Somaliland, Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Arrimaha Siyasadeed ee Soomaaliya iyo Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Kulanka ayaa la Filayaa in Marka uu soo Idlaado laga Soo saaro War-saxaafadeed ku ssabsan Waxyaabaha ka soo baxay Shirka Goluhu yeelanayo.

Degmada Badhan ayaa waxaa ku Sugan yihiin Wasiiro dhan 16, kuwaas oo qeyb ka ah Booqashada Madaxweynaha ee Deegaanada Gobalka Sanaag, waxaana la Sheegay in kulankan horey loo Qorsheeyay inuu ka Qabsoomo Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag.

Puntlandes.com

About The Author