Akhriso Guddiga Doorashada oo ku dhawaaqay buuxinta kursi uu iska casilay Xildhibaan Golaha Shacabka sidii ay qortay PES
20 Sep 2018 (Puntlandes) Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay boos buuxinta kursi ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland.
Wasiir Jamaal
Kursiga ka banaan Golaha shacabka ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo yaqaano Dhahar.
Guddiga ayaa faray oday dhaqameedkii ku jiray liiska 135-ta Oday ee Kursigan banaanaaday matala inuu soo guddiyo Liiska 51 Ergo ee dooran doonta Kursigan muddo 7 cisho gudahood.
Sidoo kale Guddiga ayaa ku wargeliyay Musharaxiinta u tartameysa Kursigan inay isa soo diiwaan geliyay laga bilaabo 22-ka bishan kuna egtahay 29 bishan September.
Warbaahinta Puntlandes ayaa qortay 13kii sep 2018 in Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu kursigan uga bedeshay lacag xildhibaan Dhahar, taasoo ah Musuqmaasuq halkan ka akhriso. halkana ka akhriso waxgaradka jifada uu kasoo jeedo xildhibaan Dhahar ooka hadlay
Waa xildhibaankii labaad oo iska casila Xubinimada Baarlamaanka si loogu bedelo xildhibaan taageersan Xukuumadda Khayre oo musuqmaasuq ku caan baxday.
Akhriso qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka
Puntlandes.com