Akhriso Galmudug oo ku gacan sayray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Madaxda Galmudug isugu yimaadaan shir degdeg ah Muqdisho

23 sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku gacan seyray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Madaxda Galmudug ay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo 24-ka bishan ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya.

76

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay 18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf  ayaa lagu yiri “Galmudug uma baahna xalkeeda in Muqdisho la isku yimaado ee waxay u baahan tahay in faragelinta laga daayo, lagana saaro dadka dheeriga ku ah ee qalalaasaha iyo abaabulada ka wada deegaanada qaar”

Sidoo kale waxaa Qoraalka lagu sheegay in dowladda Federaalka ay iska dhinac marineyso go’aanadii iyo talo soo jeedintii ka soo baxday Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaalya shirkoodii ku soo gabagaboobay magaalada Kismaayo 8-dii Bishan.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay inay aheyd in dowladda Federaalka ka war sugto natiijada wafdiga ka socda Aqalka Sare ee Galmudug u tagay inay xog dhab ah ka keenaan khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Hoos ka akhri War saxafadeedka oo dhameystiran.

21

About The Author