Dhagayso: Wasiir Horumarinta Puntland oo beeniyey eedayntii Wasiirkii hore Cali Cabdullaahi ee mashruuca abaaraha
24 sep 2018 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Dib-u-dhiska dawladda Puntland Cabdikhadar Faarax Shaaciye oo wareysi siiyey Radio Daljir waxa uu ku beeniyey qayb ka mid ah eedayntii uu shalay wasiirkii iscasilay ee Wasaaradda Deegaanka, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame u jeediyey xukuumadii uu ka tirsanaa mudada 4 sano ku dhow.
Wasiir Shaaciye ayaa si kulul u beeniyey in uu fashilmay mashruuc ku saabsan u adkaysiga abaaraha oo ay maalgaliso IGAD, wuxuuna sheegay in mashuucaasi uusan fashilmin ee uu shaqaynayo ayna wasaaraddiisu gacanta ku hayso.
Dhagayso wasiirka
Puntlandes.com