Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada oo Loo Dhaariyey Xilkii Loo Magacaabay.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasirga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Dowladdaba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada dawladda ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay in dalka uu ka socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha Dalka.

23

24

25

26
Puntlandes.com

About The Author