Akhriso Wasiirka Batroolka & Macdanta oo Shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda
24 sep 2018 (Puntlandes) Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Jamaal Qaasim Mursal, kaddib wareegto uu soo saaray Wasiirka.
Wareegtada Wasiirka oo ku taariikheysneyd (22 September) labo maalmood ka hor ayaa Xoghayaha Joogtada ee shaqada laga joojiyay loogu soo jeediyay eedeymo kala duwan oo ka mid ah ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda, cabashada shaqaalaha, wada shaqeyn la’aan iyo inuu bixinta siraha muhiimka ee wasaaradda oo loo gudbiyo dhinacyo ka baxsan Wasaaradda.
Akhriso wareegatada wasiirka
Puntlandes.com