Muuqaalo-Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda Puntland ee Magaalada Bosaso
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dolwadda Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha degaanka degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.
Madaxweynaha oo la daardaarmay golha cusub ee degaanka degmada Boosaaso ayaa ku booriyey masuuliyiinta golaha degaanka inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.
“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub
ee magaalada Boosaaso waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumada ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kormeerkiisa ku tagay xarunta Gobolka Barri ee Magaaladda Boosaaso isla’markaana madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisayada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoona madaxweynuhu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.
Ugu danbey,madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana madaxweynaha warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla’marahaantaana madaxweyanaha ayaa sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.