Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe).
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 24 Sep 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Boosaaso ee xarrunta Gobolka Barri Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe)
Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta Marxuun Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo ahaa sargaal katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey, saraakiil ka tisan madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweyanha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe), isagoona Illaahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka.
“Anoo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland xukuumad, baarlamaan, xeer dajin iyo shacbiga reer Puntland meel walaba ay joogaanba inaan tacsi u diro saraakiisha iyo ciidanka madaxtooyada, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Jaamac (Hurfe) oo maanta gacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Boosaaso ee gobolka Barri, Allaha ha u naxariisto sargaalkan dadkii iyo eheladii u ka dhintayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo” ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsan Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.