Intee bay qaadataa shirkada Albayrak Dhaqaalaha bishii kasoo xarooda dekeda Muqdisho
25 sep 2018 (Puntlandes) Shirka laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Albayrak ayaa 21kii sep 2014kii waxaa ku wareejisay dekedda Muqdisho Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh.
Shirkadda Albayrak ayaa maanta shaacisay inay kordhisay dakhliga kasoo xarooda Dekedda, iyadoo sheegtay inay gaarsiisay $10 milyan.
$10ka malyan waxay shirkadu qaadataa 25% oo u dhiganta $2,5 malyan, halka uu Maamulka Gobolka Banaadir isna Dekedda Muqdisho ka qaadanayo 15% oo u dhiganta $1,5 malyan, taas oo isugaynteeda ah 40% oo u dhiganta $4 malyan bishii halka ay dawladda Fadaraalku hesho 60% oo u dhiganta $6 malyan kaliya bishii.
Puntlandes.com