Marka ay ummadi gadaal u socoto waxaa indhahooda isku daboola caad.
Kolka aad fiiriso dadka ku abtirsada Puntland waxa aad arkaysaa Qof ku leh “Puntland-tii 2009 kii ka horraysay baan u baahan nahay”
Ujeedku waa inuu lee yahay wax baa sii xumaaday, iyo dib-dhac baa yimid. Qofkaas waxaa ka dhex guuxaya hadal siyaasi banaanka taagan oo ay isku reer hoose yihiin amaba ay jeeb-wadaag yihiin.
Waa hadal runta ka fog isla markaana aan ku salaysnayn garasho iyo garaad. Waa sax Puntland waxaa la aas’aasay 1998-dii basle qaabkee ayay ahayd? Waxay ahayd qaab jamhadeed, wax badana waa laga gudbey oo lama inkiri karo, waayo waxaa la qaaday isbaarooyin reeraysnaa kuwaas oo loo galiyey shaati maamul.
Balse horumarka kaliya ee xilligaas la gaaray waxa uu ahaa in Xamar la tagey, naf iyo maalna lagu waayey. Waxaase meesha ka baxay in laysku tashado horumarna lagu tillaabsado, SSDF oo shaatigii laga baddaley ayey ahayd Puntland.
Waxaa dhacday xurguf sokeeye, oo Puntlantaas waxaan xasuustaa xilli dadkaan saxanka faraha wada galinaya aysan habeenkii isu laaban, xabbaduna isugu jirtey.
DR Faroole waxa uu ahaa ninkii Summadda hadda lagu garto Puntland sameeyey, waa Calankee iyo horumarro badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.
Waxaase uu ku guul-darraystay dib u heshiisiintii dadka deegaanka ayada oo xilligii uu sii dhacayey uu harraati ku reebay. Tusaale dadkii Gaalkacyo wada daganaa oo walaalaha ahaa waxaa ka dhex dhacay dagaal ahli ah oo siyaasadaysan, ayna isku baabe’een dadkii dhiiga isu shubi jirey. Marna waxaan la inkiri karayn wax qabadkiisii.
Maxaa lagu xusuusan doonaa Dr Gaas?
Haddii aan nabadi jirin nololi ma jirtee madaxweynaha hada ee Puntland Dr cabdiweli Mxamed Cali Gaas maxaan ku xasuusan karnaa? Dr Gaas Wuxuu ahaa nasri Puntland Loo diray, Marka laga soo tago Horumarka uu deegaanka gaarsiiyey, waxaan marna la illaawi karayn Dib u heshiisiinta guud ahaan Gobollada Puntland iyo Maamul Goboleedyada.
Meel yar marka aan kaa tuso Gaalkacyo Nabadda lagu joogo waxaa sabab u ah Allah SW ka sokoow Gaas. Waxaa isu uur fayoobaadey Qoysas walaalo ah oo maanta hal saxan faraha wada galiya, awalna lagu kala geeyey hawlo suyaasadeed.
Dr Gaas maanta waxa uu qabtay iyo qofka uu yahay waxaa arki kara qof xor ah caadna uusan indhaha ka saarnayn. Waa qofka aan laga dhex hadlayn.
Haddii aad xor tahay bal taariikhdii Puntland soo martay dib u raac, haddii aad maqnaydna warayso kuwa caqliga u saaxiibka ah. Inaan horumar gaarno waxaa ka horraysa inaynu nabad ku wada noolaano aynuna naqaan waxa aynu isu nahay.
Gaba-gabo Dr.Gaas hadduu tagana waa nin la tabi doono hadduu joogana waa nasri iyo nal inoo shidan. Waxa laga dhaqaaqi la’yahay waa danleey qabiil huwan iyo mid laga dhex hadlayo oo aan ogayn halka laga guurey iyo halka loo socdo.
Guul Puntland & Soomaaliya.
W/Q Aadan Ilkadigir
Daabacaadii Puntlandes.com