Daawo Video: Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta Xanaaqsan waxay dhahaan Beesha Caalamka hana dhex dhexaadiso”
27 Sep 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta weerar afka ah oo aan loo meeldayin ku qaaday madaxda iyo syiaasiyiinta ka aragti duwan.
Farmaajo oo ka hadlayey maanta munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa uu ku sheegay madaxda dawlad Goboleedyada dalka, Xildhibaanadi dhawaan ka dooday Amniga iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan inay yihiin Siyaasiyiinta Xanaaqsan.
“Siyaasiga xanaaqsan wuxuu ka hadlaan Beesha Caalamka hana dhex dhexaadiso, waxay ka hadlaan calaacal, waxay niyad jebiyaan shacabka, siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada haka qaadina”.
Puntlandes.com