29 sep 2018 (Puntlandes) Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo dawlad Goboleedyada kale ee dalka.
Qalbi Dhagax oo ay warramayay BBC-da lana weydiiyay inuu Muqdisho tegi doono ayaa sheegay in xilligaan uusan tagayn Muqdisho, wuxuuse xusay in ay wanaagsanaan lahayd inuu la kulmo shacabkii Soomaaliyeed ee markii loo gacan geliyay Itoobiya sida weyn uga dhiidhiciyay, basle uusan doonayn inuu la kulmo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan doonayaan safarkeygan Hargeysa kaddib inaan booqdo Boosaaso oo ka tirsan Puntland, halkaasoo aan kula kulmi doono madaxda maamulka, sidoo kalena waxaan booqanayaa maamulka Galmudug,” ayuu Wareysigiisa ku yiri Qalbi-dhagax.
Qalbi Dhagax ayaa ka meer-meeray inuu sheego xilliga uu Muqdisho booqanayo, wuxuuse ku adkeystay inuu xilliga ku habboon booqanayo, balse uusan xilligan sheegi karin xilliga ay noqonayso.
“Muqdisho waxaa ku sugan shacab i dareensiiyay wanaagga ay ii hayaan, waxayna ahayd inaan booqdo oo aan la kulmo, balse ma doonayo inaan wax kulan ah la yeesho qolyaha maamulka haya,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.
Dowladda Federaalka Somalia ayaa Qalbi Dhagax waxay ku wareejiye y dowladda Itoobiya sanadkii hore 2017, waxaana taas kasii darnayd markii golaha wasiirada Dowladda Federaalka ay go’aamiyeen in ururka xornimo u dirirka ONLF uu yahay Agragiso ayna u aqoonsan tahay taasoo ilaa hada aan waxba laga bedelin.
Puntlandes.com